Waa buuggii u horreeyey ee laga qoro mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye". Waxanad ku ogaan badaha uu Gaarriye ka maansoodo iyo habka uu u adeegsado maansooyinkiisa. Waxad dhaayahaaga ku dhugan, cidina kaaga warramidoonin, Cilmibaadhistii yaabka badnayd ee uu soo bandhigay qarnigii la soo dhaafay.
You must be logged in to post a review.
Please log in
1
Person Reviewed This Item
By Abdirahman Farah
Sep 30, 2007
"Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye"" . “Marka la eego sida ku-hadalka iyo ku-faanka afka Soomaaligu ugu sii yaraanayo Soomaalida qorbajoogga ah, iyo xataa sida Soomaalida ku nool dalalka Soomaaliga lagaga hadli jirey ay u doorbidayaan in ay afaf kale ku hadlaan ama wax ku qoraan, waxa cad in af Soomaaliga ay ka muuqato astaamihii afafka khatarta ku jira. Haddii aan loo gurmanna, af Soomaaligu waxa uu ku biiri doonaa afafka lumaya. Buuggan la magac baxay Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ee uu qoray Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo” wax weyn ayuu ka tari doonaa sidii loo hakin lahaa khatarta ku soo socota afka Soomaaliga. Markii aan akhriyey miisaanka suugaanta ee “Gaarriye” iyo gabayadiisa, iyo faahfaahinta qoraha buugga, waxaaba markii ugu horraysay igu soo dhacday in aan baran karo sida loo gabyo oo aan weliba gabayaa noqon karo. Waxa aan filayaa in akhristayaasha buuggani ay iiga markhaatiniqi doonaan dareenkaas. Aad... More > baan ugu mahadinayaa Cabdiraxmaan “Barwaaqo” qoridda buuggan faa’iidada badan leh.” Dr. Hussein Ahmed Warsame Accounting Area Chairman Haskayne School of Business University of Calgary, Canada< Less