MAHADHO

MAHADHO

ParFathia Absie

Habituellement imprimé en 3-5 jours ouvrés
Mahadho waa sheeko Jacayl ah oo dhex maraysa wiil iyo gabadh dhaliin yaro ah oo lakala yidhaahdo Milgo iyo Bille. Milgo waa gabadh 26 jir ah oo ka baxday Jaamacada caanka ah ee Stanford, kana baratay Cilmiga Computer Science Engineering qaybtiisa Artificial Intelligence. Waxayna hormuud ka tahay Shirkadda Microsoft Waaxddeeda (AI) oo ay hogaaminayso koox dhan oo qaabilsan samaynta, The Next Generation Robotics weliba lama arkaan ah. Waxa Allah isugu daray Milgo maskax iyo muuqaalba halkii ugu saraysey. Bille waa 28 jir Garyaqaan ama Qareen iyo samafale ah kana baxay Jaamacada caanka ah ee Cornell University. Aabihii waa Somali hooyadiina waa gabadh African American Madoow iyo Cadaan iska dhal ah. Bille aabihii Jeebadiid, wuxu dhintay isaga oo 12 jir ah. Waxa keliya ee uu dhanka Aabahii ka ogyahay waa inuu Somali ahaa waana in aad ugu filan Bille. Bille waa nin ay Somalinimadu aad ugu wayntahay waana shaqsi hadii bani’aadan dhamays ahi jiro aad ugu dhow dhamays. Bille wuxu isku darsaday Tacliin, Akhlaaq, Qurux iyo qaab wanaag intaba. Waa nin Ragganimadiisa ay Ragga kale jantaan, gabadhii mar keliya jaleecdaana ay ka daba dhacdo.

Détails

Date de publication
Sep 17, 2021
Langue
Somali
ISBN
9781794709911
Catégorie
Fiction
Copyright
Tous droits réservés - Licence de copyright standard
Contributeurs
Par (auteur): Fathia Absie

Caractéristiques

Pages
211
Type de reliure
Livre à couverture souple Livre à couverture souple
Couleur de l’intérieur
Noir & Blanc
Dimensions
Roman (6 x 9 po / 152 x 229 mm)

Notes & Avis